3dii December 2009kii waa maalintii aan weeynay haldoorkii iyo ubixii wadanka usoo baxayay,waa maalin la doonayay in indhaha la tiro umada soomaaliyaad.
Waa maalintii uu dhacay qaraxii hotel shamoo oo lala beegsaday ardaydii ka qalan badalaneysay Jaamacada banaadir kuliyadaha Caafimaadka,kombiyatar,waxbarashada iyo qeybo kale. Waa maalin farxadii jirtay uu murugo u badalay manaxe naftii haliga kaasoo galaaftay Aqoontii umada.
Mahadhadaan aya dhacday xili uu qudbad uu jeedinayay Sanotar dufle oo farxada ardaydaas kala qeyb qaadanayay,waxana mar qura farxadii isu rogtay mugdi iyo tiraanyo. Alaha u naxariiste waxaa ku dhintay qaraxaas Ku dhawaad 30 ruux oo isugu jiray,Arday, macalimiin,suxufiyiin,iyo Siyaasiyiin kuwaas oo ka mid ahaa dadkii dhintay iyo kuwi dhaawacmay.
Wasiirkii Caafimaadka Qamar aadan cali,wasiirkii waxbarashada maxamed cabdulaahi waayeel,wasiirkii hidaha iyo tacliinta sare ibraahim xasan cadow,wasiirkii dhallinyarada iyo cayaaraha saleebaan colaad rooble iyo gudoomiyihii Muasadada banaadir Dr Shahiid.
Waa maalin kooxaha argagixiso ay donayeen in soomaaliya ay noqoto goob bahalo galeen ah oo dhalintaydii ay hubeeyaan,balse mugdigaasi ma noqon sidii ay ku taamayeen,waalidiinta Dhalinyarada iyo dowladooda aya u jiheystay horumarka, waxbarashada iyo in dalka loo jiheeyo dhanka wanaagsan.