
Cali Jeyte Cismaan, Guddoomiyihii hore Gobolka Hiiraan oo la hadlay Ciidamo isugu jiray Federaalka & kuwa Deegaanka ee Macawiisleyda ayaa sheegay in ay diyaar u noqdaan duullaan ka dhan ah ‘AS’ si looga qabsado deegaannada ay ka joogaan Gobolkaas.
Jeyte waxa uu xusay in dhaqdhaqaaqa socda uu u baahan yahay go’aan lagu dhammeystirayo qaybta dhiman, waxaana uu saraakiisha ciidanka Xoogga & Taliska Nabadsugidda ka dalbaday in laga shaqeeyo sidii looga qabsan lahaa ‘AS’.
“Meesha aan ‘AS’ Xabbadda ugu ridno cid kasta oo joogta waa Shabaab, maanta fursad ayaa jirta waana dareemayaa duruufta jirta ee aan ka faa’iideysano, Dagaal qabiil baa la galaa oo cadaabta lagu galayo, mid janno lagu galayo ayaa jiree ee maan galno, hala is cafiyo oo niyad aan dagaalka ku galno” Cali Jeyte, Guddoomiyihii hore Gobolka Hiiraan.
Gobolka Hiiraan waxaa ka socda dhaqdhaqaaq lagu doonayo fulinta howlgallo ka dhan ah ‘AS’ waxaana ku sugan Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda, kan Dhulka & Saraakiil kale oo hoggaaminaya talis qaybeedka kala duwan.