
Danjiraha isbaheeysiga Ciidamada dalalka Islaamka General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Amb. Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan gaar ah ku qaatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya,halkaasi oo booqasho laba maalin ah uu ku joogo Genaral Tuuryare si uu u kormeero mashaariicda IMCTC au la fulineeyso dowladaha bariga afrika sida Somalia,Kenya iyo Uganda.
Laba safiir ayaa isla gorfeeyay arrimo muhiim ah oo ay qayb ka tahay sidii loo dardargelin lahaa howlaha horumarineed iyo la dagaalanka argagaxisada oo ay ururka isbaheeysiga ciidamada dalalka islaamku xoojinayaan.
Maraashiicda laga fulinaayo dowlaha Somalia,Kenya iyo Uganda waxaa ka mid ah qalabeeynta Ciidamada gaarka ah ee argagaxiso la dirirka loo diyaariyay,dhisida xarumo dhaqancelin oo casri ah oo loo dhameeystiray dhammaan baahiyaha gaarka ah.
Sidoo kale Danjire General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa warbixin ka siiyay danjiraha safaarada Soomaaliya ee Kenya Amb.Jabriil Ibraahim Cabdulle qalab loogu deeqay dowladahaasi oo Technologyada looga hortago qaraxyada lagu hormarinaayo dhanka ciidamada.
Dhanka kale waxaa uu ururka Isbaheeysiga Ciidamada dalalka Islaamku diyaariyay System-ka C3 iyo qabashada shir muhiim ah oo la iskugu keeni doono culimada bariga Afrika kaas oo la filaayo in uu ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Kulanka Danjiraha safaarada Soomaaliya ee Kenya iyo Danjiraha isbaheeysiga Ciidamada dalalka Islaamka ayaa kusoo dhamaaday Isfahan,waxaana lagu go’aamiyay ajendayaal muhiim ah.