
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in Soomaaliya laga fuliyo duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Daacish oo qorsheynayay weerarro.
Madaxwyene Trump ayaa sheegay in duqeymahaasi ay ku burburiyeen godadka ay kooxda daacish ku noolaayeen, isagoo sheegay in sinaba aysan waxyeelo ugu geysan dadka rayidka ah.
“Fariinta ku socota ISIS iyo dhammaan kuwa kale ee weerari lahaa Mareykanka waana ku dili doonnaa meel kaste,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka.
Dhinaca kale, war-saxafaadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa loogu mahad celiyay hawlgalka Dowladaha Maraykanka iyo Imaaraadka ee lagu bartilmaameedsaday kooxda Daacish ee ku dhuumalaysanaysa Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Puntland waxay qirtay in duqeymahan lagu dilay xubno xilal sarsare ka hayey ISIS (Daacish).
Sida ay wararku xaqiijinayaan Kooxaha Argagixiso ee DAACISH, ayaa duqeymihii kuwaayay xubno sarsare, oo 12 kamid ah ay ahaayeen Ajaaniib ay dawladda Mareykanka mudo daba joogtay, laguna dilay duqeymaha xalay, sida ay ilo wareedyo kale duwan isku raaceen, inkasta oo aysan si sax ah u shaacin dawladda Mareykanka.
Diyaaradaha oo duqeyntooda soo gaartay 10:00 Fiidnimo waqtiga Soomaaliya, ayaa diyaaradahooda Ciidanka ay kudageen goob kudhaw halka duqeynta oo la aqoonin wax ay ka qaadeen, tan oo lagu fasiray xaqiijinta bartilmaameedka in lagaaray.
Warar wali hordhac ah ayaa xaqiijinaya in xubnaha labeegsaday ay ahaayeen xubno sare oo dabagal lagu hayey 5-tii maalmood ee u danbeysay, Labo god oo goobtan ahaana ay dad-badan galayeen taas oo laga hubiyey in ay tahay Taliska madaxda sare.
Kooxda Argagixiso ayaa maalmihii u dambeeyey dhexdooda is heystay, markii ay Ajaaniibta dileen xubno Soomaali ah oo dhankooda katirsanaa oo ay sabab uga dhigeen in ay cabsi ka qabeen in ay baxsadaan.