
Wararka ka imanaya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in halkaasi uu ka kacay dab baaxad weyn leh habeenimadii xalay kaasi oo gubay suuqa labaad ee ugu weyn Hargeysa.
Suuqa labaad ee ugu weyn Magaalada Hargeysa ee loo yaqaan (Suuqa Idaacadda) ayaa xalay dab ka kacay iyada oo lagu guuleystay in la damiyo, waxaa ka dhashay Dabkaas khasaare ku siman dhinaca Hantidii suuqaas taallay.
Qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa Idaacadda ayaa sheegay in si fudud loo damin karay balse la waayay waddooyinkii la marin lahaa Gaadiidka Dab damiska sidaasina uu dabku kusii faafay inkasta oo markii dambe la damiyay.
Suuqa oo ah mid isku raran ah waxaa yar waddooyinka dhexmara si Gawaarida gudaha ugu galaan, Gaadiidka dab damiska ah ayaa meelo fog ka tuurayay biyaha si ay u gaarsiiyaan una damiyaan, sidaas ayay ugu dambeyn ku damiyeen.
Khasaaraha maaliyadeed ayaa ka dhashay Dabkaan, waxaa saakay socda tirakoobka lagu ogaanayo inta uu gaarsiisan yahay, qaar kamid ah Goobaha Ganacsiga ayaa laga saaray hantidii taallay si aanay dabku u gaarin.