
Jubbaland ayaa war qoraal ah kasoo saaray dagaal culus oo saaka ka qarxay gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo ciidamadeeda iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in weerarka ay soo qaadeen ciidamo ka amar qaata madaxweyne Xasa Sheekh, ayna beegsadeen xarunta maamulka degmada, sida lagu sheegay qoraal uu goordhoweyd baahiyay Telefishinka ku hadla afka maamulka Jubbaland.
“Kooxda Xasan Sheekh Maxamuud oo wali wada Hagar-daamada iyo kala qeybinta ay ka dhex wadaan Bulshada reer Jubbaland ayaa saaka waabarigii Dagaal kusoo qaaday Xarunta Degmada Baardheere oo ay ku sugnaayeen Maamulka Degmadda” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale Jubbaland ayaa sheegtay in weli xarunta degmada ay ku sugan yihiin ciidamadeeda, balse weli dagaalka uu socdo, iyada oo ku dooday inay iska caabineyso weerarka lagu soo qaaday, sida ay hadalka u dhigtay.
Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in xarunta la weeraray ay tahay meeshii loogu adeegaya bulshada reer Baardheere, ayna tahay wax laga xumaado.
“Xarunta ay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa Dagaalka kusoo qaadeen waa halka loogu adeego Bulshada Baardheere taas ayaa waxa ay Muujineysa sida Xasan Sheekh Maxamuud uusan dan uga laheen Bulshada kaliya ay u cadahay Dano shaqsi oo asaga u gaar ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka Jubbaland.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ayaa ayaa go’aan-saday in ay bur-buriyaan Nidaamka Dowliga ah ee ka jira Degmada Madaama fikirkoodii qaldanaa uu ka socon waayay in ay ka hirgaliyaan Degmada Baardheere”.
Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda dhexe oo ku aadan dagaalka ka socda Baardheere, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.
Dagaalkan ayaa ka dhashay muran sababay gacan ku haynta degmada oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo Jubbaland oo maamulo iska soo horjeedo u magacaabay Baardheere.