
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dhinacyo badan ka hadleysay ka jeediyay Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika waaye (EAC) iyo Horumarinta Bulshada Koonfurta Afrika (SADC).
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xal u helidda colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya oo ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay uga go’an tahay xoojinta doorka Afrika ee xal u helidda dhibaatooyinka ka jira qaaradda,.
“Colaadda ka taagan bariga DRC waa musiibo banii’adantinimo, waxa ayna u baahan tahay tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta. Diblomaasiyadda wadajirka ah ee labada urur waa fure muhiim ah si loo yareeyo xiisadaha, waana in xal lagu raadiyaa wadahadal iyo is-afgarad, halkii dagaal xal looga dhigi lahaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.
Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaallada nabadeed ee ay hogaaminayaan EAC iyo SADC, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato xalka colaadda DRC, iyada oo ka faa’iideysaneysa waayo-aragnimadeeda dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabadda.