
Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa saaka tegay guriga hooyooyinka, iyaga oo wata gaadiidka dagaalka, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Ciidamada ayaa lasoo wariyay inay xoog ku galeen dhismaha guriga, iyaga oo gebi ahaan la wareegay maadaama uu maalmahaan ka taagnaa muran u dhexeeyay ururka haweenka iyo wasaaradda haweenka iyo xuquul insaanka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada saaka ku jarmaaday guriga hooyooyinka ay xireen qaar kamid ah gabdhihii ku sugnaa guriga, kuwaas oo loogu tegay xafiisyadooda.
Muranka gurigan ayaa soo jiitamaayay muddo dheer, wuxuuna soo bilowday xilligii uu wasaaradda joogay wasiir Bashiir Goobe oo hadda loo wareejiyay wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada, iyada oo haatan lagu kala baxay doodii ka taageen guriga.
Ururka Haweenka Soomaaliyeed ayaa in dhowanahaan ka qaylo dhaaminayay arrinta saaka dhacday, waxayna ku doodayeen in guriga ay iyagu leeyihiin, looguna shaqeeyo dumarka.