
Maamulka Jubbaland ayaa ka soo jawaabay hadalka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta ka sheegay wasaaradda gaashaandhigga ee khilaafka dowladda federaalka iyo Jubaland uu kaga hadlay, isla markaana ugu hanjabay Madaxweyne Axmed Madoobe.
Xamsa Barre ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyey inuu ka baxay heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu saxiixay, kuwaas oo dhigayey in la mideeyo guddiga doorashada maamullada iyo dowladda federaalka, iyadoo dalka oo dhan laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah.
Wasiirka Warfaafinta ee Jubaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay in dastuurka Jubbaland uu qabo in ay iyagu qabsan karaan doorasho, isagoo aad u dhaliilay hadalkii maanta ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha.
“Ra’iisulwasaaruhu waa in uu isagu dib iskugu noqdaa, waxaan xasuustaa xilli uu ku doodayey in Jubaland ay doorasheedada u madaxbanaan tahay, halka uu maanta ku doodayo doorashada Jubaland ma aha mid sharci ah,” ayuu yiri.
Wasiir Cabdifitaax Mukhtaar ayaa waxaba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha ra’iisul wsaaraha, isagoo sheegay in dalku yahay federaal waxa laga wadahadlayana ay tahay in ay noqdaan wax loo wada dhanyahay.
“Shirka Wadatashiga Qaranka ee aan ka qeybgalnay aragtida ay gadayeen xilligaas kuma aysan qanacsaneyn Jubaland, waana ay qaadacday shirkaas, marka waxaba kama jiraan hadalka Xamse oo sheegay in Jubbaland saxiixday heshiiskaas,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdifitaax.
Wuxuu sheegay in aysan marna Jubbaland ogolaa doonin doorasho waqtigeeda dhaaftay, halka dowlada federaalka ay dooneyso in hal sano loo kordhiyo madaxda dowlad goboleedyada, si sanadka dambe loo qabto doorasho qof iuo cod ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u cadeysay doonisteeda ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse uma muuqato in go’aankaas uu ka hirgelayo Kismaayo, sida ay qabaan dadka ka faalooda siyaasadda gudaha, maadaama Axmed Madoobe uusan ogoleyn doorasho furan.