
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii todobaadlaha ah, iyaga oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Xukuumadda, kaas oo hagaya howlaha xukuumadda.
Kulanka Golaha ayaa guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriiro xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Sidoo kale, kulanka Golaha Wasiirrada ayaa meel-mariyey heshiis iskaashi oo amni ah, kaas oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq.
Dhanka kale, Golaha ayaa dul istaaggay dagaallada ka socda dalka ee lagula jira Al-shabaab iyo Daacish, kuwaas oo laga saaray deegaanno iyo goobo kala duwan ee dalka; iyada oo laga dilay horjoogeyaal u badan Ajaaniib, qaar kalena gacanta lagu dhigay.
Kulanka Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo aadayo xilli uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo dalka dib ugu soo laabtay isaga oo ka maqnaa kulmadii hore ee Golaha Wasiirrada.