
Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday lacag kordhin ay ku sameysay qaadka Soomaaliya ay u iibkeento iyada oo halkii kiilo oo horay loo iibin jiray 700 oo shillinka Dalkaas ah una dhiganta $5.43 doollar waxaana ay ka dhigtay 1,300 oo shillin oo ah (Toban doollar).
Qiimahaan lagu kordhiyay waa laba laabka lacagtii horay Ganacsatada Soomaalida uga fadhiyay khaadka halkii kiilo, waxaa jiray culeys sababay in maalmihii lasoo dhaafay la joojiyo Jaadka Miraa ee Dalkaas ka baxa.
Wasiirka Beeraha Kenya Mutahi Kagwe, Ganacsatada Khaadka iyo Guddiga qaabaynta qiimaha Khaadka Miiraa oo kulamo kala duwan oo waqti qaatay yeeshay ayaa ugu dambeyn go’aankaan qiimaha cusub ku jaangooyay.
Kenya waxa ay Soomaaliya usoo dhoofisaa Khaad ay ka hesho ballaayiin Shillinka Dalkaas ah, sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ay ka hesho 13 Bilyan oo shillin 100,798, 010 taasina ay xoojisay dakhliga Xukuumadda Nairobi kasoo gala Dibadda.
Ganacsatada Soomaalida weli kama soo bixin go’aan la xiriira lacag kordhintaan Kenya ay ku sameysay Jaadka loo yaqaan Miiraa, dhowr diyaarad ayaa si joogta usoo caga dhigta Garoomada Diyaaradaha Muqdisho iyo Gobollada Dalka.