
Wararka daash Somalitv uu ka heleeyo Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in saakay uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya Alshabaab iyo Ciidanka Xooga Dalka.
Dagaalkan aya dhacay ka dib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya oo ka baxay Degmada Wisil ay weerar ku qaadeen Bacaadweyne Alshabaabkii ku sugnaa.
Weli war rasmi ah kama soo bixin Maamulka Galmudug iyo kan Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Xooga Dalka.
Dagaalkaan aya imaaday kadib markii uu dhawaan dib u biloowday Howlgalada ka dhanka ah Alshaabaab kaasi oo ka socda degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Dalka.
Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo aan la hadalnay aya inoo sheegay in hada aysan bixin karin wax faahfaahin ah oo dagaalkaasi ku saabsan.
Wixii faahfaahin ah ee dagaalkaasi ku saabsan DaashSomalitv Barahiisa kala duwan kala soco.