
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucayo ajaanibta aan heysan dukumentiyada saxda ah inay galaan deegaannada maamulkaasi.
Bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in ay wadaan dadaallo lagu xakamaynayo socdaalka ajaanibta.
Amarka waxaa la ogeysiiyay hay’adaha uu quseeyo sida Wasaaradda Amniga, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada, Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo Hay’adda Socdaalka.
“Waa in hay’adaha dowladda ay si buuxda u fuliyaan amarkan si loo sugo amniga Puntland loogana hortago khataraha argagixisada,” ayaa lagu yiri Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Deni.
Dagaallo adag ayaa haatan ka socda buuraha Calmiskaad oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan kooxdaas.
Talaabadan ayaa timid kaddib markii la helay xog sirdoon oo muujinaysa in 90% dagaalyahanada kooxda ISIS ee ka dagaallamaya Puntland ay yihiin ajaanib.