
Kulan wada jir ah oo maanta ay isugu imaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya aya waxa ay ku meel mariyeen Gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha kuwaas oo xalay ay magacaabeen Golaha Xukuumada Soomaaliya.
Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay guddiga doorashooyinka, iyadoo ay ogolaadeen 169 Mudane, waxaa diiday 6 xildhibaan, mana jirin xildhibaan ka aamusay, sida uu shaaciyay guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
kadib meel marinta waxaa la dhaariyay mudanayaasha 18ka ah ee gudiga doorashooyinka iyo soogdimaha,si ay u gutaan waajibaad kooda si waafaqsan sharciga shaqada loo igmaday ee doorashada.
Xarunta baarlamaanka aya waxaa sidoo kale hareeyay buuq iyo gacan qaad dhex maray xubnaha baarlamanka ee goob jooga aha iyadoo la arkayay in ay gacmaha isula tageen qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamanka.
Xubnaha Barlamaanka ee Mucaaradka aha aya yeeriyay firinbi iyo qeylo si ay u hor istaagaan talabada uu qaaday gudoomiye Shiiq Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo meel marinaayay Gudiga Doorashada iyo Soohdimaha.
Xildhibaannada buuqa sameeyay ayaa u badan kuwa mucaaradka iyo xubno kale oo taabacsan maamulka Jubbaland, balse ugu dambeyn waa laga cod badiyay.
Guddiga la ansixiyay ayaa ka shaqeyn doono maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalk iyo in ay hirgeliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan.
Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa soo gudbisay guddigaan, waxaana xalay ku dhawaaqay golaha wasiirada oo kulan deg-deg ah ku yeeshay xafiiska ra’iisul wasaaraha.