
Xukuumada Soomaliya aya lagu wada maanta inay Muqdisho keento Ciidamada Jubbland ee Shalay isku soo dhiibay Militariga Soomaaliya ee ku sugnaa Jubadda Hoose oo ay ka jirto Xiisad u dhaxeysa Villa Somaliya iyo Axmed Madoobe.
Ku dhowaad 100 askari oo ka tirsanaa Daraawiishta Jubbaland oo shalay isku soo dhiibay ciidamada Xoogga ee la geeyay aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose ayay doowlada soomaaliya keneysa muqdisho si loo marsiyo hanaanka Ciidan ee dowlada.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda dhexe ay diyaarad u dirtay ciidamadaasi, si loogu soo wareejiyo magaalada Muqdisho oo soo dhoweyn loogu sameyn doono.
Ciidankaan aya lagu abaal marin doona darajooyin ciidan iyo Mushaaraad maadama ay Dowlada Soomaaliya isku soo dhiibeen xili ay jirtay xiisado dagaal oo u dhaxeeyey Maamulkii ay ka midka ahayen ee Jubbland iyo Xukuumada Soomaaliya.
Sidoo kale dowladda federaalka ayaa ciidamada kale ee Jubbaland ugu baaqday inay isaga soo tegaan halka ay joogaan, ayna isku soo dhiibaan dowladdooda.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka Jubbaland ee isku dhiibay dowladda oo dhankooda hadlay ayaa sheegay in laga soo diray Kismaayo iyo deegaano kale oo ay ku sugnaayeen, iyadoo la amray inay ka hortagaan duulaanka ciidanka xoogga dalka.
Ciidankaan ayaa sheegay in amarkaasi uu u cuntami waayey oo ciidanka xoogga dalka aysan dagaal kala hortegi karin, hadana ay diyaar u yihiin inay la howlgalaan militeriga Soomaaliya si loo dhaqan-geliyo amarka dowladda.
Ciidamo kale oo Jubbaland ay doomo ka saartay Kismaayo ayaa la sheegay in hadda ay doonayaan inay is dhiibaan 50 askari oo badda ku go’doonsan ayaa la soo xiriirtay saraakiisha xoogga dalka, waxayna cadeeyeen inay is dhiibayaan oo dagaal aysan diyaar u aheyn.
Arrintan ayaa salka ku hayso xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland ee ka dhalatay dib u doorashada Axmed Madoobe oo markii saddexaad loo doortay Jubbaland.
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan marnaba aqoonsan doonin Doorashada Axmed Madoobe ee Kismaayo ka dhacday 25KA Bishan.