
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka shaqaysay qorshe sida loo diyaariyay haddii uu u fulo isku xiraya howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug.
Qorshahaan waxa uu ku billowday kaddib markii Dowladda Federaalka ay diyaarisay Ciidamo katirsan Xoogga Dalka kuwaas oo loo diray Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo ah Hir-Shabeelle, Galgaduud & Mudug oo ah Galmudug.
Waxaa intaas dheer dhallinyaro aqoon u leh dhulka duullaanka lagu yahay ee weli Alshabaab maamusho ayaa la qaaday waxaana la geeyay xeryo lagu siinayo hubkii ay ku dagaal gali lahaayeen.
Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo daneynaya sidii deegaan doorashadooda uga qabsan lahaayeen Alshabaab ayaa ka qaybgalay ololaha diyaarinta dagaalkaan oo la filayo in uu ka duwanaan doonno kuwii hore.
Rag u abaabulan qaab beeleed ayaa tagay deegaanno kale oo waxa ay sheegeen in ay caawinayaa beelaha kale deegaannadooda gacanta Alshabaab ku jira si la isugu xiro howlgallada socda.
Dowladda Federaalka oo kaashanaysa Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug ayaa diyaarisay qorshaha lagu taageerayo ololahaan socda iyada oo saraakiil katirsan Dowladdu ay tageen deegaannada qaar.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, ku xigeenkiisa, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka NISA, Hoggaanka Talisyada 21aad, 27aad iyo kuwo kale ayaa kulamo ka leh abaabulkaan cusub.