
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay maanta uga bilaabatey Soomaaliya.
Safarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah isku soo dhowaanshaha iyo bogga cusub ee u furmaya labada dal, dhanka Iskaashiga, is-qaddarinta iyo in gobolka xasilooni lagu soo dabbaalo, kadib hal sanno oo xiriirka labada dal ay caqabado hareeyeen.
Bishii December ayaa Ethiopia si rasmi ah uga noqotey heshiiskii mugdiga dhex dhigay xiriirka labada dal, kadib markii magaalada Ankara ay ku kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, halkaasna lagu gaarey Baaqii Ankara.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho ay ka tarjumeyso isku soo dhowaanshaha labada dal iyo dhabbada cusub ee la qaadey ee ku dhisan iskaashi iyo xiriir ku dhisan horumarka dhaqaalaha.
Wasiirka ayaa intaa ku darey in labada hoggaamiye ay yeelan doonaan wadahadal la xiriira xoojinta iyo iskaashiga labada dal.
dhinaca kale Warar kala duwan ayaa shegaya in tiro hoobiyeyaal ah lagu garaacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, xilli ay socotay soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo maanta wada-hadallo la yeelan doono madaxweynaha Soomaaliya.
Hoobiyeyaasha qaar ayaa la sheegay inay ku dhaceen gudaha xerada Xalane oo uu ku yaallo garoonka iyo bannaankeeda oo ay dagan yihiin dad shacab ah.
Sidoo kale waxaa garoonka laga shiday Gambaleelka digniinta ah ee la yeeriyo marka ay halis jirto, taas oo keentay in xaalad laga dareemo halkaasi.
Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay agagaarka garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.