
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howl-gallo dhacay saacadihii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab looga dilay horjoogaal iyo Dagaal-yahaanno badan.
Howl-galladan oo dhacay xalay iyo saaka ayaa marar kala duwan lagu beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayaa waxaa kooxda looga dilay ku dhowaad 50 xubnood kooxda, sida ay sheegtay dowladda.
“Ciidanka qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa deegaanka Biya-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu dilay 44 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleyshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
Howl-galladan ayaa waxaaa sidoo kale lagu burburiyay ilaa saddex gaadiid oo ahaa nooca dagaalka oo ay wateen kooxda Al-Shabaab.