
iyadoo ay meel xun gaartay xiisada Villa Somalia iyo Jubbaland aya waxaa soo baxaya goaano ka imaanaya xafiisyada labada dhinac taasoo ku aadan in la beegsado madaxweyne Xasan iyo Hogamiye Axmed Madoobe.
Xiisadan aya ka dhalatay kadib markii Dowlada Soomaaliya ay si buuxda u diiday doorashada Axmed Madoobe ee Kismaayo ka dhacday 25kii bishan,taasoo uu kusoo baxay Madaxweyne Axmed Madoobe.
War ka soo baxay dowalada hoose ee Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbland ee Soomaaliya aya soo saaray amar lagu joojiyay isticmaalka Sawirada Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Amarkan aya la duldhigay Xafiisyada Dowlada iyo Goobaha waxbarashada iyo meel kasta oo uu suran yahay sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh,waxaa sidoo kale laga mamnuucay in sawirka madaxweynaha laga isticmaalo Goobaha Ganacsiga,goobaha dadka ay isugu yimaadaan iyo Guryaha,sidoo kale meel kasta oo uu sawirkiisa Suran yahay.
Warkaan aya imanaya iyadoo ay labada dhinac ay soo saareen waaran xarig ah oo Madaxweyne Xasan iyo Axmed Madobe ku wajahan.
Dowlada Soomaaliya ayaa Ciidamo ku daabushay Deegaanka Raaskaanbooni ee Gobolka Jubbada Hoose,ciidankaas oo dagaal uu ku dhex maray Degmada Badhaadhe.