
Xamza Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa goordhow safar deg-deg ah ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Safarka ra’iisul wasaare Xamza ayaa yimid iyadoo xiisadda Jubbaland ay haatan mareyso meel xasaasi ah oo ku dhaw inuu ka dhex dheco dagaal gudaha Jubbaland.
Safarkaan ayaa imaanaya kadib markii golaha wasiirrada Soomaaliya ay garyaqaanka guud ee dowladda fareen inuu maxkamadda u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe ayaa loo haystaa faldambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada qaranka Soomaaliya sida ay sheegtay maxkamadda gobolka Banaadir.
Eedeymaha loo haysto Axmed Madoobe waxaa ka mid ah faldambiyeed lid ku ah xog la wadaagida dal shisheeye, ujeedo dagaal lid ku ah qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena uu ku kacay faldambiyeed lid ku ah nidaamka iyo dastuurka dalka, sida ay sheegtay maxkamadda.
Xukuumadda Xamza ayaa si adag uga hortimid dib u doorashada Ahmed Madoobe iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland, iyado sheegtay in labaduba ay baal-marsan yihiin shuruucda dalka.