
Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa amaray in la sii daayo dadkii loo soo xiray Banaan bixii shalay ka dhacay Magaalada Burco, ssi doo kale Waxa kale oo uu amray in baadhis lagu sameeyo dhacdadaas.
“Waxaan u sheegayaa shacabka Somaliland, gaar ahaan bulshada reer Burco, in dadka lagu kiciyay warar been ah oo aan jirin. Waxa aynu ka baranaynaa arrintan in laga bilaabo hadda kadib laga fogaado beenta iyo wararka aan la hubin,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Waxa uu intaa ku daray in xalayba uu magaalada Burco u diray wafti ka kooban wasiiro iyo saraakiil sare, si ay u qiimeeyaan xaaladda, isagoo sidoo kalena amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo cidda ka dambaysay kacdoonka iyo abaabulka bulshada ee rabshaduhu ka dhasheen.
Mudaharaadka shalay oo ay ku dhinteen 2 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 40 kale, ayaa bilowday kadib markii bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in Somaliland ay shuruud la’aan ku sii daynayso maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Laascaanood.