
Qarax ismiidaamin ah uu fuliyay nin waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa ka dhacay xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan goob ay saf ugu jireen ciidamo tababar isku diiwaangelinayay.
Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa ka dhacay xerada Damaanyo, dad badan ayaa ku dhintay halka dhaawacmayna loola cararay goobaha caafimaadka.
Ciidamada amaanka ayaa xiray aagga uu qaraxa ka dhacay, waxa ayna ciidamada u gurmanayaan dadka qaraxa ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay, iyaga sidoo kale bilaabay baaritaanno qaraxa ku aadan.
Xerada Damaanyo ayaa marar hore sidaan waxaa uga dhacay qaraxyo dhiig badan ku daatay, laguna dilay askar safaf ugu jiray in la qoro iyo kuwa kale oo gaardis ku jiray.