
Wararka ka imaanaya xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Macawiisleeyda gobolka Hiiraan ay kaabiga ku hayaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.
Macawiisleeyda reer Hiiraan oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay dagaalo qaraar kula jiray Al-shabaab ayaa haatan doonaya iney kooxda ka xureeyaan degmada Aadan Yabaal oo degmo istaraatiiji ah.
Gurmad xoogan oo ka kala baxay degmooyinka Moqokori, Maxaas, Jalalaqsi, Buula burte iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa saacadahii lasoo dhaafay gaaray duleedka degmada Aadan Yabaal oo laga dareemayo dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay oo ay wadaan Macawiisleeyda.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka Macawiisleeyda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney ka go’an tahay in kooxda Al-shabaab ay ka saaraan Aadan Yabaal oo todobaadyadii lasoo dhaafay kooxdu gacanta ku hayso.