
Madaxweynaha Puntland,Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku wajahan magaalada Nairobi eecaasimadda dalka Kenya, Madaxweyne Deni ayaa shir deg deg ah kula yeelanayo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
Ilo wareedyo ayaa ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Deni uu ku sii jeedo magaalada Nairobi, halkaasi oo uu markii ugu horraysay shir kula yeelan doono Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo aysan xiriirkoodu wanaagsanayn wixii ka danbeeyay dib u doorashadii Madaxweyne Xasan sheekh .
Wararka ayaa sheegaya in Xiriirka Axmed Madoobe iyo Siciid Deni uu dhawaanahan soo hagaagayay , islamarkaana Shirkooda Nairobi uu salka ku hayo sida loo wajahayo dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Villa Somalia waddo, oo ay si adag uga horjeedaan labadaMas’uul ee Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.