
Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa saakay weerar culus ku qaaday deegaanka Aboorey oo hoos taga degmada Buuloburde, halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Alshabaab islamarkaana Dagaal uu ka socdo.
Saraakiisha hoggaamineysa dagaalka ayaa sheegay in labo jiho ay ka weerareen koox ka tirsan Alshabaab oo isku uruursanaysay aagga Aboorey, isla markaana uu halkaas weli ka socda howlgalka Culus.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, walow aanan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka inta uu gaarsiisan yahay, maadama uu wali socdo dagaalka.
Dagaalkaan ka ka socda Abooreey ayaa kusoo aadaya, iyadoo afartii maalin ee lasoo dhaafay Macawiisleeyda Xawaadle iyo Al-shabaab ay ku dagaalamayaan deegaano ku yaala xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.