
Ergayga madaxa bannaan ee dhiiri gelinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xuriyadaha aasaasiga ah ee Qaramada Midoobay, Ben Saul, oo booqasho ku joogay Soomaaliya ayaa shir jaraa’id uu qabtay ugu baaqay beesha caalamka in aan Soomaaliya la cidleynin. Ergayga wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyadoo Soomaaliya ay kula jirto dagaal ururada Al-shabaab iyo Daacish.
Khabiirkan madaxabannaan ee Qaramada Midoobay oo ugu baaqay beesha caalamka in Soomaaliya aan la cidlayn xiligan adag balse waxa uu walaac ka muujiyay xadgudubyada xuquuqda aadanaha.
“Waxaan ka walaacsanahay in qaar ka mid ah sharciyada Soomaaliyeed ay qaateen qeexitaan xad dhaaf ah iyo dembiyo argagixiso, iyo sidoo kale awoodo ballaaran oo sirdoon iyo awood amni oo hoos imaanaya Xeerka La-dagaalanka Argagaxisada iyo Xeerka hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, kuwaas oo wax u dhimi kara xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha” ayuu yiri khabiirka oo intaas ku daray, “Waxaan sidoo kale ka walaacsanahay in dembiyada argagixisanimada qaarkood ay soo jiitaan ciqaabta dilka iyadoo markaasi aysan ahayn in dil lagu fuliyo sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah”.
Ben Saul ayaa walaac ka muujiyay xaaladaha xabsiyada Soomaaaliya isoo sheegay in xabsiga dhexe ee Muqdisho oo ah mid qadiimi ah oo loogu tala galay in lagu xiro 500 ay hadda ku xiranyihiin maxaabiis gaareysa 1600.
“Waxaan sidoo kale ka walaacsanahay in xaaladaha xabsiyada Soomaaliya oo dhan, kuwaas oo lagu xiro dadka lagu tuhmayo argagixisada iyo maxaabiista la xukumay aysan gaarsiisneyn heerka ugu hooseeya ee caalamiga ah” ayuu yiri Mr Saul oo intaas ku daray, “Waxaan booqanay xabsiga dhexe ee Muqdisho kaas oo ay ku xiran yihiin ilaa 1600, maxaabiistaas 1,200 ka mid ah waxaa lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin al-Shabaab”.