
Kooxda Boko Haram ayaa in ka badan 60 qof ku dishay weerar habeen hore ka dhacay gobolka Borno ee waqooyi bari Nigeria, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.
Habeenimadii Jimcaha maleeshiyaad ayaa weerar ku qaaday tuulada Daarul Jamal, oo ay saldhig ciidan ku leeyihiin xadka Nigeria iyo Cameroon, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan shan askari.
Ciidamada Cirka ee Nigeria ayaa sheegay in 30 dagaalyahan ay ku dileen duqaymo kadib markii ay heleen warbixin ku saabsan duullaanka lagu qaaday tuulada, halkaasoo dadka deegaanka ay dhawaan dib ugu soo laabteen ka dib sanado badan oo barakac ah.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dib u soo cusboonaatay dhaq dhaqaaqyada jihaadka ee Waqooyi Bari Nigeria, iyadoo Boko Haram ay ka dagaallamaan iyo kooxaha ka soo horjeeda, laanta Galbeedka Afrika ee kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.