
Qoyska Caaqil Cabdullaahi Cumar Cabdi, oo shalay lagu dilay duqayn ay fulisay diyaarad dagaal oo aan la garanayn, oo ka dhacday gobolka Sanaag, ayaa sheegay in weerarkaas si gaar ah loogu bartilmaameedsaday caaqilka kaliya.
Wareysi ay bixiyeen, ayay ku sheegeen inuu Caaqilku keligii saarnaa gaarigiisa xilliga la weeraray, isla markaana goobta duqayntu ka dhacday loogu tagay meydkiisa oo qeyb kamid ah la helay, qeyb kalena la waayay.
Qoysku waxay sheegeen in aanay garanayn sababta loo beegsaday, balse waxay sheegeen in maalmihii ugu dambeeyay ay diyaarado joog hoose ku dul wareegayeen deegaanka Ceelbuh oo uu caaqilku ku sugnaa. Waxay sheegeen in shalay markii uu halkaas ka ambabaxay lagu beegsaday meel u jirta qiyaastii 25 km magaalada Badhan.
Sidoo kale, waxay si cad u beeniyeen warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya inuu xiriir la lahaa Al-Shabaab, iyagoo xusay in Caaqilku ahaa qof ka shaqeeya nabadda iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.
Ilaa iyo hadda, cid sheegatay masuuliyadda weerarkan ma jirto. Si kastaba ha ahaatee, xog horudhac ah ayaa muujinaysa in sirdoonka Maraykanka uu maalmihii ugu dambeeyay daba joogay dad lala xiriirinayo Al-Shabaab oo si qarsoodi ah kusoo galay gobolka Sanaag.
Caaqil Cabdullaahi Cumar Cabdi wuxuu kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee dhawaan magaalada Boosaaso kula kulmay madaxweynaha Puntland. Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa dadka si weyn uga soo horjeeday maamulka Waqooyi Bari ee lagu dhisay magaalada Laascaanood.