
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay Shirwaynaha Dowladaha Carabta iyo Islaamka ee ka socdamagaalada Dooxa, ayaa kulan-doceed la qaatay Madaxwaynaha dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Rajab Dayyib Erdogan.
Labada Madaxwayne ayaa ka wada-hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee gobolka Bariga Dhexe, iyaga oo sidoo kale hoosta ka wada xarriiqay in si wadajir ah loo xoojiyo iskaashiga qotodadheer ee labada dal ka dhexeeya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka degdegga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka oo lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar kaas oo looga hadlayey weerarkii Israa’iil ay ku qaaday dalkaas.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u barbar taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, xilligan adag, isagoo muujiyey in weerarkan uu yahay xadgudub lagu sameeyey dhammaan dalalka Carabta.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo adkeeyey muhiimadda midnimada iyo iskaashiga dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa dul istaagay mowqifka taariikhiga ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku garab-taagan yihiin walaalahooda Falastiin oo la dhibaataysan gumaadka iyo gumaysiga ay ku hayaan Israa’iil.