
Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa saaka soo xiray haweenay lagu eedeeyay inay u geftay Madaxweynaha Soomaaliya, kadib muuqaal ay ku baahisay baraha bulshada.
Booliska ayaa sheegay in falka ay ku kacday haweenaydan uu dhaawacayo sharafta iyo karaamada madaxda qaranka, isla markaana baalmarayo dastuurka iyo shuruucda dalka u dejisan.
“Eedeysanadu waxay ku jirtaa gacanta Booliiska, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.
Booliska ayaa ka dalbaday shacabka Muqdisho inay lasoo wadaagan xogta shaqsiyaadka caadeystay aflaagadada madaxda. “Muwaadin haddii aad aragto qof ku kacaya falal lid ku ah anshaxa iyo shuruucda dalka u dejisan, fadlan xogtiisa u gudbi saldhigga kuugu dhow, si boolisku uga qaado tallaabo habboon oo waafaqsan sharciga,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Shalay ayey aheyd markii booliska uu 4 dhalinyaro ah usoo xiray aflaagadada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib muuqaal ay ku baahiyeen baraha bulshada.