
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid) ayaa degmada Ceeldheer ugu qabtay Ciidanka Xoogga Dalka munaasabad isugu jirtay duco loogu sameeyay shuhadadii ku dhimatay dagaalka, dhiirrigelin iyo abaalmarin la siiyay ciidankii la dagaallamay Alshabaab .
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska Hirshabeelle, Jeneraal Xasan Dhicisow, saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka, iyo maamulka degmada.
Dhamaan masuuliyiintii goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay guusha ay gaareen Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa gudoonsiiyay Ciidamada Xoogga Dalka iyo saraakiishooda shahaadooyin sharaf, billado abaalmarin ah iyo dhiirrigelin gaar ah.