
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada ee XFS Mudane Maxamed Aadam Soomaali , ayaa intii uu socday Shirweynaha 28-aad ee Ururka Boostada Adduunka (UPU), la yeeshay kulamo istiraatiiji ah dhiggiisa Wasiirka Isgaarsiinta iyo Dhaqaalaha Dijitaalka ee Kenya iyo wufuud heer Qaran ah oo ka socotay Zimbabwe iyo Imaaraadka Carabta.
Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee boostada iyo tiknoolajiyada, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay horumarinta nidaamyada isu-socodka alaabaha iyo waraaqaha boostada (mail items), maadaama Soomaaliya dhawaan dib u bilowday adeegyada boostada caalamiga ah.
Wasiir Maxamed Soomaali ayaa caddeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhisidda iskaashi waara oo lala yeesho waddamada gobolka iyo caalamkaba, si loo xaqiijiyo in adeegyada boostada dalka ay noqdaan kuwo casri ah, isla markaana si buuxda ula jaan qaada heerarka caalamiga ah.
Dhiggooda Kenya, Zimbabwe iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku bogaadiyey dadaallada Soomaaliya ee lagu horumarinayo adeegyada boostada, waxayna muujiyeen diyaar-garow buuxa oo ku aaddan xoojinta iskaashiga, gaar ahaan tababarrada, taageerada farsamo iyo fududeynta isu-socodka caalamiga ah ee alaabaha boostada.