
Maamulka Jubaland, ayaa si adag u cambaareysay barakicinta iyo tacadiyada loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed oo dhulkii ay deganaayeen laga barakiciyay ee gudaha magaalada Muqdisho.
“ waxaa dhacay dhacdo naxdin leh oo Aabbe iyo Hooyo Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan lagu jirdilay, dhulkoodana si xoog ah looga qaaday”ayaa lagu yiri war kasoo baxay Jubbaland.
“Waxa intaa dheer, fal muujinaya masuuliyad-darro iyo xadgudub weyn ayaa dhacay, kadib markii ay ka badbaadeen isku day dil mas’uuliyiin ka tirsan Madasha Samatabixinta oo goobta joogay siduu ay u damin lahaayeen xaaladda, sidoo kalena taageero u fidinayey dhibbanayaasha u baahnaa gargaar caafimaad oo degdeg ah inay helaan, kuwaas oo weliba lagu hayay saldhigga degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho. Tani waa dhacdo halis ah oo aan la aqbali karin, isla markaana u baahan in si degdeg ah looga xisaabtamo cid kasta oo bixisay amarka lagu rafaaseeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Madasha Samatabixinta” ayaa lagu yiri warka Jubbaland ka socda.
Dowladda Jubaland waxay ku boorrinaysaa dhammaan saraakiisha iyo askarta booliska gobolka Banaadir inay si buuxda u gutaan masuuliyadda ka saaran ilaalinta sharafkooda, karaamadooda, iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed. Dhul-boobka loo adeegsado xoogga iyo cabburinta shacabka Soomaaliyeed wuxuu xadgudub ku yahay mabaa’diida iyo dastuurka dalka. Sidaas darteed, Dowladda Jubaland waxay caddeyneysaa in layskula xisaabtami doono masuuliyadda cid kasta oo ku kacda dhibaateynta, cabburinta, iyo xaqiraadda shacabka Soomaaliyeed.