
Waxaa xoriyadooda dib u helay Wasiirkii hore Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, Xaaji Cali Xaaji Iimaan iyo Ganacsade Cabdulqaadir Bulaale oo saacado lagu xiray Saldhigga Booliska degmada Xamar weyne, kaddib markii Ciidamada Amniga ka xireen agagaarka Hotelka Global.
Xubno Xildhibaano ah oo ay hoggaaminayeen Xildhibaan Ugaas Dhagey Geelle , Senatar Dhagdheer, Xildhibaan Yaasiin Farey iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaa sii deynta xubnahan.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiintan damiin lagu sii daayay.