
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa soo saaray qoraal rasmi ah oo ay si toos ah ugu dirtay Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka, kaasi oo la xiriira banaanbaxa berri.
Warqadda oo uu ku saxiixan yahay Xoghayaha Madasha, Korneel Maxamed Aadan Koofi ayaa ku baaqday in wasaaradu ay hubiso sugidda ammaanka dadka shacabka ah ee ka qeyb-galaya, isla markaana la fududeeyo wadooyinka iyo marinada ay soo marayaan si ay si nabad ah ugu gaaraan goobaha banaanbaxyadu ka dhici doonaan.
Si kastaba, Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Arbacadii uga digay shacabka in loo adeegsado ujeedooyin lagu carqaladeynayo amniga dalka, xilli siyaasiyiinta mucaaradka ay ku dhawaaqeen mudahaaradyo waaweyn oo ka dhici doona magaalada Muqdisho dhamaadka toddobaadkan.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saareen Booliska ayaa lagu yiri “Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga digeynaa in aysan ku dhex milmin kooxaha ujeedadoodu tahay in ay carqaladeeyaan amniga, una sahlaan maleeshiyaadka argagixisada ah ee dowladdu dagaalka kula jirto