
Madaxweynaha mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uusan Benjamin Netanyahu ka ogolaan doonin in uu goosto dhulka Falastiin laga haysto ee Daanta Galbeed.
Trump oo hadlayey ka hor inta uusan Ra’isul Wasaare Netanyahu ka hor hadlin kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey uga socda magaalada New York, ayaa Yiri “Kama ogolaan doono in uu la wareego Daanta Galbeed. Taasi marnaba dhici meyso”.
Hadalka oo u muuqday mid jawaab u ah war damaca kooxaha xagjirka ah ee Isra’il ay ku doonayaan in toos loola wareego Daanta Galbeed ee Wabiga Urdun si ay Meesha uga saarto suurtogalnimada dowlad ay Falastiin yeelato, ayaa rajo gelinaya dadaalka loogu jiro nabad ka lagu soo dabbaalo Bari Dhexe.
Dalalka Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa sheegay in ay Isra’il uga digeen in ay la wareegto Daanta Galbeed, taas oo haddii ay dhacdo wiiqi karta fursadda lagu tiigsan karo xal ku dhisan labo dowladood. Halka Xoghayaha Guud ee QM António Guterres uu sheegay in tillaabadaas ay tahay mid aan sharci ahaan iyo siyaasad ahaan sinnaba loo aqbali karin.