
Intaas ka dib waxaa la xaqiijiyey go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan isbeddel dhanka amniga iyo lahaanshaha qarannimo, iyadoo lagu bogaadiyey doorka AUSSOM ee taageeridda ciidamada amniga Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, ilaalinta xarumaha muhiimka ah, sugidda waddooyinka saadka, iyo horumarinta dadaallada xasilinta.
Ka qaybgalayaasha ayaa si gaar ah ugu mahadnaqay dalalka ciidanka iyo booliska ku tabarucay, iyagoo xusay geesinnimada iyo halganka askartooda. Waxa kale oo carrabka lagu adkeeyay kaalinta muhiimka ah ee Midowga Yurub ku lahaa bixinta deeqaha dhaqaale ee Midowga Afrika iyo taageerada joogtada ah ee xasilinta Soomaaliya.
Waxa lagu muujiyey walaac ku saabsan khataraha amni ee ka dhalan kara haddii aan la buuxin farqiga maalgelineed ee weli taagan. Ka qaybgalayaashu waxay ku baaqeen in deeq-bixiyeyaasha dhaqanka iyo kuwa cusub ay bixiyaan maalgelin joogto ah, la saadaalin karo oo waarta, si AUSSOM ay u fuliso waajibaadkeeda inta lagu jiro xilliga kala guurka.