
Warar ayaa sheegaya in uu dib u dhac ku yimid safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud jimcaha ku tagi lahaa magaalada Kismaayo, halkaas oo qorshuhu ahaa in uu wadahadal kula yeesho Madaxweynaha Jubaland Axmed Maboobe.
Wafdi hordhac u ah madaxweynaha oo qorshuhu ahaa in ay shalay gaaraan Kismaayo ayaa weli ka bixin magaalada Muqdisho, taas oo muujinaysa in aysan suurtagal ahayd in madaxweyne Xasan jamcaha gaaro Kismaayo.
Wararka ayaa sheegaya in Jubaland dalbaday in Dowladda Federaalka aqoonsato doorashadii Axmed Madoobe, ka hor inta uusan madaxweyne Xasan tagin Kismaayo, taas oo la aaminsan yahay in ay caqabad ku noqotay safarka madaxweynaha.
Dhanka kale waxaa saacadihii la soo dhaafay Nairobi ku kulmay madaxweynayaasha Puntland & Jubaland iyo xubno ka mid ah Madatasha Samatabixinta, waxayna ka wadahadleen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo wadahadalka Jubaland iyo Dowladda Federaalka.
Xubnaha Madatasha Samatabixinta ee la kulmay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ah Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la saadaalin karin safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo iyo natiijada ka soo bixi karta wadahadalka Jubaland iyo Dowladda Federaalka.