
Maamulka Jubbaland iyo Dowlada dhexe aya si weyn isugu qilaafay in soomaaliya loo jiheeyo hanaan doorasho oo qof iyo cod ah iyadoo uu hogaamiyaha Jubbaland uu qaaday hanaan doorasho oo u gaar ah.
waxaa sii xoogasaneya xiisada xoogan ee u dhaxeeysa Maamulka Jubbaland iyo Dowlada Soomaaliya kaasoo maalmahan ka dhex taagnaa Hogaanka sare ee Villa Somalia iyo Jubland.
Xiisadaan ayaa soo bilaabatay kadib markii si weyn leysugu qabsaday Doorashooynka Dalka,taasoo ay dowlada qorshaha ay waday uu u cuntami waayay Maamulka Kismaayo iyo axmed madoobe.
Hogaamiyaha Jubbaland aya qaaday inuu isaga tago Shirkii golaha wada tashiga qaran ee Muqdisho ka dhacayay kasoo ay isku qilaafeen Villa Somalia arimaha Doorashoyinka,hogaamiyaha Jubbaland aya qaaday inuu qabsado hanaan doorahso oo dadban.
Madaxweyne Xasan sheekh iyo Madaxda maamulada Galmudug,Hirshabeele iyo Koonfurgalbeed aya la qaatay Dowlada federaalka Hanaan Doorasho oo qof iyo cod ah,marka laga reebo Puntland oo dorshadeeda qabsatay bilowga Sanadkaan iyo Jubbaland oo gooni istaagtay.
25kii bishii lasoo dhaafay ayuu axmed madoobe qabsaday doorashada Madaxweye,taasoo ka careeysiisay Dowlada Federaalka Soomaaliya,waxana war kasoo baxay wasarada arimaha gudaha lagu sheegay in uu axmed madoobe ku kacay fal lidi ku ah dasturka iyo wixii lagu heshiiyay taasoo qalalaase abuuri kara.
kadib arimahaasi oo dhan dowlada Soomaaliya ayaa qaaay taalaabo ay ciidamo ugu daabushay Raaskambooni gobolka Jubada Hoose,Cidankaasi oo isugu jiray Gorgor iyo Haramcad aya waxaa lag daabulay dayuurado lagu geeyay Gobolkaasi.
hadalo iyo hanjabaado badan aya ka dhex jira labada dhinac taaso ay u dheer tahay in ay isdhibeen Ciidamo badan oo garabka axmed madoobe ahaa kuwaaso oo isku dhibay taliye ciraaqi.
dadka arimaha amaanka falanqeeya aya inoo sheegay in ay aad u yartahay fursada uu dagaal ku dhex mari karo labada ciidan ee Gobolka Jubada Hoose isku hor fadhiya,lkn Cabsidu ay aad u badan tahay.
Sarkaalka ciidanka wata Ciraaqi aya lagu sheegay inuu yahay nin aqoon fiican u leh arimaha Ciidanka taaso la sheegay in uu aad u xakameeyey talaaboyinka isaga iyo ciidankiisa ah sidoo kalena uu moraal ahaan aad uga shaqeeynaayo in uu helo kalana furfuro Ciidanka Jubaland,isagoo media ha dhowr jeer marsiiyay hadalo uu kaga hadlayay qorshaha ciidanka ee uu u joogo Jubooyinka.
Waan waanta socota aya tilmaameysa in xaalku uu noqon karo in uu axmed meesha ka baxo madama dowlada soomaaliya aysan joogistiisa aysan daneeyneynin.
Dhaqadhaqaaq ciidan oo xoogan aya lasoo wariyay in uu ka jiro Kismaayo isagoo abaabulay ciidamo daacad u aha Hogaamiyaha Jubaland.
Saraakiil aya la xiray kuwa kalana waa la howlgaliyay si ay u fuliyaan qorshaha Hogaanka Jubaland oo ah in dagaal lagu wajaho ciidanka Xooga Dalka.
si la fahamsan yahay Dowlada ma dooneyso in ay gacan ka hadalka bilowdo laakiin waxa ay si weyn isugu balaarisay deeganada Jubaland,taasoo qalqal xoogan galisay Axmed madoobe oo isagana wada abaabulka Careeysan oo uu doonayo inuu ku wajaho Militariga soomaaliya.
Xaalka Jubaland aya laga dareemaya in aan la huri doonin dagaal awoodana mid uu ku adkaado maamulka sida ay leeyihiin falanqeeyayaasha.
Xukuumada aya si weyn ugu guuleesaytay in ay kala furfurto Ciidanka Jubaland ee Soomaaliya maadama uu deegan ahan kasoo jeedo sidoo kalena beeshiisa ay wadato in ka badan inta ay axmed madoobe wadato.