
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Abukar Macalin, ayaa maanta ku boorriyay ciidamada qalabka sida ee ku sugan degmada Mahaday in ay xoojiyaan ilaalinta ammaanka shacabka iyo diyaargarowgooda dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Afhayeenka ayaamuujiyay muhiimadda ay leedahay in ciidamadu muujiyaan feejignaan joogto ah iyo u heellanaanta gudashada waajibaadkooda qaran.
Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in la xaqiijiyo amni buuxa oo dalka laga hirgeliyo, gaar ahaan deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab.
“Ciidamadu waa in ay mar walba diyaar u ahaadaan difaaca shacabka iyo la-dagaallanka cadowga, Waajibaadka amniga waa mid qaran, waxaana rajaynaynaa in aad sii laba jibbaartaan dadaalkiinna,” ayuu yiri Afhayeen Sheekh Abukar.
Dowladda oo Ciidamada ku Sugan Mahaday ku Amartay Sugidda Amniga iyo La-dagaallanka Al-Shabaab