
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya AUSSOM, gaar ahaan cutubyo ka tirsan ciidanka Uganda, ayaa guul ka gaaray howlgal militari oo lagu beegsaday Al Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay tuulooyin ka tirsan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka, oo si qorshaysan u billowday saaka aroortii hore, ayaa lagu xoreeyay tuulooyinka Shaamgare iyo Raqayle, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay ay si qarsoodi ah ugu sugnaayeen Al Shabaab.
Dagaal kooban oo ka dhacay tuulooyinkaasi ayaa looga saaray Al shabaab, iyadoo ciidamadu si xirfad iyo taxadar leh u fuliyeen howlgalka.
Wararka laga helayo saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa sheegaya in Al Shabaab laga saaray godadkii iyo meelo kale oo ay isku dayeen inay ku dhuuntaan.
Intii uu socday howlgalka, waxaa la gaarsiiyay qasaare culus kooxdii iska caabinaysay, halka tiro ka mid ah ay halkaas ka baxsadeen, Saraakiishu waxay sidoo kale xaqiijiyeen in aan wax khasaare ah soo gaarin ciidamada dowladda iyo AUSSOM.