
Wasiir Fiqi ayaa ugu horeyn bogaadiyey guulaha ciidanka dowladdu ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee kooxda Al-shabaab looga xureeyay deegaanada kala ah Awdhiigle, Bariire, Sabiib, Canoole iyo deegaano kale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.
“Ciidamada xoogga dalka waxay muujinayaan geesinimo iyo karti ay ku xoreynayaan deegaanada ay cadowgu ku dhuumanayaan, waxaan xaqiijinaynaa in howlgaladan ay sii socon doonaan ilaa dalka laga ciribtiro kooxaha nabad-diidka ah” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi.
Dhanka kale Wasiir Fiqi ayaa weerarkii Al-shabaab ay ku qaaday godka Jilicow ku tilmaamay mid muujinaya naf lacaariga maleshiyaadka Al-shabaab, islamarkaana ay ku qarinayaan guul darooyinka ay kala kulmeen howlgaladii ugu dambeeyay ee dhacay.
Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan ciidamada dowladda si dalka looga xureeyo kooxda Al-shabaab ee dhibaatada daran ku haysa shacabka Soomaaliyeed.