
Raiisul Wasaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare aya markii ugu horeeysay ka hadlay Ciidanka Xukumadiisa ay u daabushay Deegaanka Raas Kambooni ee Gobolka Jubada Hoose .
Xamse aya sheegay in Ciidanka la geeyey Raaskambooni uu aha codsi ka yimi Gudoomiyaha Deegaanka Badhaadhe Fanax kaasi oo uu sheegay in ay uu usoo diray codsigaasi si looga caawiyo la dirirka Alshabaab ee degaankaasi.
Waxa uu sido kale Raiisul Wasaraha Soomaaliya uu sheegay in Maamulka Jubaland ay kolkii hore ka diideen Codsigaasi Gudoomiyaha Badhaadhe kadibna uu Federaalka Soo Aaday,Wasirka 1aad ee Xukuumada Ayaa sheegay in Ciidanka Dowlada ay xaq ugu leeyihiin in ay gaaraan taako kasta oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed,si ay u sugaan amniga guud ee dhulka Soomaaliyeed.
Waxa uu si weyn u bogaadiyay sidoo kalena amaanay ciidankii isu soo dhiibay Dowlada ee diiday in dagaalamaan,isagoo sheegay in ay ku soo shaqeeyeen marxalado kala duwan iyo lacag ama mushaar la’aan mudo sanooyin ah.
Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa imanaya iyadoo ay jirto Xiisad xooogan oo ka dhalatay Doorashada Maamulkaasi Jubaland ee uu kusoo baxay Axmed Maxamed Islaam Madoobe.