
Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdirashakuur Warsame ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka.
Siyaasiyiintan oo hadda mucaarad ah ayaa si weyn uga horyimid qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadan qabashada doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay haatan ku howlan tahay dowladda federaalka, iyaga oo mar kale ku celiyay go’aankooda diidmada ah.
Shariif, Khayre iyo Warsame ayaa sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyay inuu beddalay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, isla markaana uu sameystay xeerar doorasho oo u gaar ah.
Waxaa kale oo ay tilmaameen in guddiga doorashada la magacaabay lagu saleeyay rabitaanka shaqsiga ah ee madaxweynaha, sida ay hadalka u dhigeen.