
Kulamo dhawaan ka dhacay Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray dhammaadka howlgalka ATMIS ee qorshuhu yahay in la soo gaba gabeeyo 31-ka Diseembar 2024 iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM sannadka 2025.
Kulamadan waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandiga dalka, taliyeyaasha ciidamada dalalka Soomaaliya, Djibouti, Uganda, Burundi, iyo Kenya, iyada oo sidoo kale goob joog ka ahaa wakiillo ka socda Midowga Afrika, Hawlgalka ATMIS, iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
Shirka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha kala-guurka ATMIS, kaas oo dhamaadka sanadka 2024 la filayo in uu ku eg yahay. Bayaanka wadajirka ah ee laga soo saaray kulanka ayaa laga soo saaray cashiradii laga bartay howlgalka ATMIS iyo muhiimada ku aaddan sidii loo horumarin lahaa qorshaha howlgalka cusub ee AUSSOM.
Taliyeyaasha ciidamada ayaa sidoo kale caddeeyay in ay ka go’an tahay inay taageeraan nabadda Soomaaliya, iyaga oo isla markaas ka shaqeyn doona ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dalka. Waxa kale oo la soo jeediyay in beesha caalamka ay xoogga saarto taageerada howlgalka AUSSOM ee soo socda.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in kulamadan aysan ka qeyb galin saraakiisha Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya, taas oo la xiriirta go’aanka dowladda Federaalka ee sheegtay inaysan qeyb ka noqon doonin howlgalka cusub ee billaabanaya 2025.