Dowlada Soomaaliya aya wada diyaar garoowgii ugu danbeeeyey ee qaadida ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo loo daabulaayo Jubooyinka.
Ilaa afar dayuurad ayaa la sheegey in goor dhaw ay ka bixi doonaan Garoonka aden cade ee muqdisho kuwaasi oo ku wajahan magaalada Raaskambooni ee gobolka jubada hoose.
Ciidankaan aya ku jeeda si ay u xoojiyaan militariga soomaaliya ee ku sugan deegaanka Raaskambi,ciidankaasi oo uu hogaamiinaayo Gashaanle dhexe Xasan Ciraaqi Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidamada Gorgor ee Xooga Dalka Soomaaliya.
Ilaa 20 duulimaad oo ciidan wada aya la filayaa in maalmaha Soo Socda ay gaaraan Deeganada Jubaland ee Soomaaliya kuwaasi oo u baxaya si ay xaqiijiyaan qorshaha Milatari ee Dowlada Soomaaliya ku wajaheeyso Maamulka Jubaland ee soomaaaliya.
Sido kale wararka aya sheegaya in deegaanka Kudhaa oo goboka Jubbada Hoose dhaca la geeyey ciidamo taabacsan maamulka Jubaland ee Soomaaliya,Deegaankaasi oo kaabiga ku haaya Deegaanka Raaskambooni.
Xiisada u dhaxeeysa labada dhinac aya curtay ka dib kala tagii doorashooyinka ee uu axmed madoobe ka baxay madasha,iyo qabsashada Doorashadii Kismaayo ka dhacday dhawaan.