Dowalada Soomaaliya aya wada dhaqdhaqaaqyo dhowr jiro ah oo ay kaga soo horjeedo maamulka Jubaland Soomaaliya kaasi oo ka taagnaa maalmihii lasoo dhaafay deeganada Gobolka Jubada Hoose.
Maamulka Jubaland ayaa bilaabay in ay bilaabaan talaabooyijn ay ku hakineeyso qulqulka Ciidanka Dowlada Soomaaliya ee kusoo qulqulaayay maalmihii lasoo dhaafay Raaskamboonin Gobolka Jubada Hoose ee Soomaaliya.
Waxaa la arkayay Ciidanka Jubaland oo aad u hubeysan aya aad u buux dhaafiyay Xeebaha Qeybo dhaca G.Jubada Hoose iyagoo ilaalo ka haayay dhaqdhaqaaqyo ka jiray Biyaha Jubooyinka.
Dowlada Federaalka Soomaaliya aya la arkayay biloowday in doowmaha Ciidamada Badda ee Soomaaliya oo daaf wareegaaya Biyaha Jubooyinka iyagoo wata Doomo aad u dheereeya iyo Hub aad culus.
Ciidankaasi aya Milatariga soomaaliya ka waardiyeeynaya dhanka Biyaha maadama ay xiisadi jirto,iyadoo amaanka Biyaha si weyn loo adkeeyay labada dhinac.
Dowlada Soomaaliya aya marar badan fagaare ka sheegtay in qorshaha Ciidanka loogu daabulaayo aysan aheyn la dirirka Axmed Madoobe oo ay tahay in Alshabaab ay ka saaraan Gobolada Juboouinka.
Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe aya si weyn isugu qabtay Doorashadii dhacday 25kii bishii aynu soo dhaafnay taasoo uu kusoo baxay Axmed Madoobe markiisii aa3aad oo xiriir ah.