
Sida ay sheegayaan wararka uu heleeyo Muuqaal baahiyaha Daash Soomaali Tv ayaa sheegaya in Raiisul Wasaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare uu ku wajahan yahay Deegaanka Raaskamboni ee Gobolka Jubada Hoose ee Soomaaliya.
Safarka Raiisul Wasaraha Soomaaliya aya waxaa ku wehliya Taliyaha Ciidanka Lugta ee Soomaaliya Sarreya Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar kaasi oo kaalin weyn ka cayaaray kala furfurida Ciidanka Jubaland ee Soomaaliya.
Sahal ayaa kaalin mug weyn ka cayaaray doorka safarka Raiisul Wasaaraha Soomaaliya kaasi oo sida lagu wado ku wajahan maalmaha Raaskaambooni ee Gobolka Jubada Hoose ee Soomaaliya.
RW Xamse aya la sheegay in uu safarkiisa Daaran yahay Arimo la xariira Dhiira galinta Ciidanka xooga iyo kuwii Jubaland ee isasoo dhiibay,sidoo kale waxaa la dalacsiinaa Ciidankii Jubaland ee isasoo dhiibay dhawaan cutubyo ka tirsan.
Amniga degaanka iyo deeganada hoos yimaada aya si weyn loo adkeeyay iyadoo ay hawada iyo baduba ay joogaan ciidamo ka tirsan kuwa Cirka iyo Badda ee Soomaaliya.
Safarka Raisul Wasaraha Somaliya ayaa imanaya iyadoo ay taagan tahay xiisad xoogan oo u dhaxeeysa Maamulka Jubbaland iyo Villa Soomaaliya,xiisadaasi aya ka dhalatay Doorashadii 25ii bishii hore ka dhacday Kismaayo kasi oo uu kusoo baxay Axmed Madoobe markiisii sedexaad.