
Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa lagu wadaa in uu dhawaan ka furmo shir looga hadlayo xal u helista dagaal beeleedyo ka dhacay Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedkaas si looga hortago dagaallo kale oo dhiig lagu daadiyo.
Madaxda sare ee Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa Dhuusamareeb ku casuumay Duubabka Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada beelaha dagaalamay si xal loo helo.
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, Ku xigeenkiisa, Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo xilal ka haya Dowlad-Goboleedkaas ayaa kawada hadlay sidii shirkaan loo qaban lahaa.
Odoyaasha dhaqanka kuwooda loo arko in ay xal u noqon karaan soo afjaridda xiisadda ka taagan Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa lagu wargeliyay in ay isugu tagaan Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Galmudug ayaa xal u raadineysa xiisadda Beelaha Walaalaha ee dadka isaga dileen iyada oo dagaalladaas intooda badan salka ku hayaan Dhul ama Ceel biyood la isku qabsaday, waxaa socda dedaallo lagu raadinayo Xalka lagu soo afjarayo colaaddaas.