
Suuriya oo dhacda bartamaha Bariga Dhexe, ayaa ka xorowday sanado badan oo uu majaraha xukunka u hayay Asad, waxa ayna tani ka dhignaan doontaa isu dheellitirka awoodda gobolka iyo dunida.
Dalal ay ka mid yihiin Ruushka, Turkiga, Iiraan, Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa qayb ka ahaa dagaalladii 14-kii sano ee la soo dhaafay ka socday dalkaas, sidoo kale waxaa halkaas ka dhismay kooxo hubaysan iyo xoogag ka socda dhanka Lubnaan, haddaba maxay ka dhigan tahay dhicitaanka Asad ee hadda?
Ruushka
Ruushka ayaa ahaa xulufadii ugu muhiimsanayd ee Bashaar Al-Assad, warbaahinta dowladdda ayaana sheegtay in isaga iyo qoyskiisa ay gaareen Moscow lana siiyay magangalyo, “iyada oo la eegayo tixgalinta bini’aadantinimada”.
Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov ayaa sheegay in Madaxwayne Vladimir Putin uu shakhsi ahaan go’aankaas uu gaaray.
Waxa ay sheegeen in saldhigyo millitari oo dalkaasi ku leeyihiin ay ku jiraan “feejignaan sare” balse ilo wareedyo aan la magacaabin oo laga soo xigtay Kremlin ayaa u sheegay warbaahinta Ruushka in ammaankooda ay damaanad qaadayaan fallaagada.
Ruushka ayaa si toos ah u galay colaadda Suuriya sannadkii 2015-kii, markaas oo uu fuliyay duqeyntii ugu horreysay ee dhanka cirka ah ee ay ku qaadeen goobaha ay mucaaradku haystaan.
Ku lug lahaanshadeeda ayaa loo arkaa mid ka mid ah sababihii ugu waaweynaa ee Assad uu awood u yeeshay inuu inta badan dalka kala wareego kooxaha fallaagada ah intii u dhaxaysay 2015 iyo 2016.
Moscow ayaa hadda ku baaqeysa in kulan deg deg ah ay yeeshaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si looga wada xaajoodo waxa xiga.
Tifaftiraha BBC-da ee Ruushka, Steve Rosenberg ayaa yiri: “Walaaca ugu weyn ee Ruushka waa musiibada labadiisa saldhig ee militari, saldhigga cirka ee Hmeimim iyo xarun ciidamada badda ee Tartus, oo labaduba xeebta ku yaalla oo labaduba ay Moscow siiyeen inay dhaqdhaqaaqyo ka sameeyaan bariga Mediterranean-ka dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
“Inkastoo Moscow ay muddo sagaal sano ah taageersaneyd Bashar Al-Assad oo ay ciidamo millitari ah dhigtay dhanka xeebta kuwaas oo ku taageerayay in xukunka uu sii hayo, balse haatan Ruushka wuxuu isku dayayaa inuu wadahadal la galo hoggaanka cusub ee Suuriya.
“Ruushka waxa uu hadda carrabka ku adkeynayaa in xilli kasta ay doonayaan in xal siyaasadeed laga gaaro qalalaasahaan.
“Waxa xiisaha leh ayaa ah in ilaa dhawaan, warbaahinta Ruushku ay tixraacayeen waxa uu ugu yeero ‘mucaaradka hubeysan ee Suuriya’ iyo in ay yihiin ‘argagixiso’. balse hadalkaasi ayaa gabi ahaan, waxaana imika lagu magacaabaa ‘mucaaradka hubaysan’ ama ‘mucaarad’.
Iiraan
iraan, oo sidoo kale taageersanayd tallaabooyinka maamulka Asad ayaa sheegtay inay rajaynayso inuu sii socdo xiriirka “saaxiibtinimo” ee kala dhaxeeya Suuriya.
Iiraan ayaa horay taageero militari oo ballaaran ugu fidisay Asad, waxayna tababartay mid ka mid ah xoogagga ugu waaweyn ee mileteriga ah ee la dagaalamay kooxaha mucaaradka hubeysan waqtiyadii kala duwanaa ee dagaalka.
Wariyaha BBC-da ee Bariga Dhexe Hugo Bachega ayaa yiri: “Iiraan waxay aragtaa saameynteedii iyo inay la kulantay dhabar jab weyn oo kaga yimid “Suuriyadii hoostagaysay Asad, waxayna qeyb ka aheyd xiriirka u dhexeeya Iiraaniyiinta iyo Xisbullah, maleeshiyaadka iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Iiraan ay ka taageerto ee Lubnaan.
“Xisbullah lafteeda ayaa si aad ah u daciiftay kaddib markii ay la dagaalameen Israa’iil”.
“Iiraan waxey sidoo kale aragtay xuutiyiinta Yemen ku sugan oo lagu bartilmaameedsanayo duqeymo dhinaca cirka ah.
Dhammaan dhinacyadaas oo lagu daray maleeshiyo ka tirsan Ciraaq iyo Xamaas oo ku sugan Qasa, ayaa ah qaabka ay Tehran ku sheegtay inay tahay dhidibka iska caabbinta oo haatan si baʼan u burburay.
Maraykanka iyo Reer Galbeedka
Wariyaha BBC-da qeebteeda amniga Frank Gardner, ayaa sheegay in “rajada reer galbeedka ay sare u kacday kadib markii uu xilka qabtay sanadkii 2000, Assad oo ahaa nin dhalinyaro ah oo dhakhtar indho ahaa kaas oo uu tababray Ingiriiska.
“Xilligaas waxaa lagu tilmaamay inuu noqon doono neefta hawo cusub, sida ay dadku sheegeen, kadib seddex sano oo uu ka hoos shaqaynayay aabihiis, Hafez, kaas oo lagu xasuusto in uu amray xasuuqii in ka badan 10,000 oo muwaadiniin ah loogu geystay Xama sanadkii 1982.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Suuriya ay wajaheyso daqiiqad “fursad taarikhi ah” laakiin Mareykanku wuxuu sidoo kale ka welwelsan yahay in ay suura gal tahay in ay dhacdo quwad la’aan awoodeed.
Mareykanka ayaa taageersanaa kooxo mucaarad ah ilaa iyo bilowgii dagaalka Suuriya.
Daniel Shapiro, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan pentagon-ka, ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay joogi doonaan bariga Suuriya, si ay ula dagaalamaan kooxda la magac baxday dawladda Islaamka.
Turkiga
Turkiga ayaa taageerayay qaar kamid ah hay’adaha maamula goobaha ay fallaagada ka taliso ee waqooyiga Suuriya, waxa uuna hadda Turkigu sheegay inay “xoojin doonaan” dadaalada lagu doonayo sidii lagu xaqiijin lahaa mustaqbal nabad iyo xasilooni ah oo ka hirgala Suuriya maalmaha soo socda.
Weriyaha BBC-da ee Bariga Dhexe Hugo Bachega ayaa sheegaya in “dad badan ay aaminsanyihiin in qaxooti badan oo Suuriyaan ah gabaad ka heleen Turkiga tan iyo intii ay socdeen dagaalada iyo duqeymaha.
“In muddo ah, Madaxweyne Erdogan wuxuu ku cadaadinayay Asad inuu galo wadahadal lagu doonayo in xal diblomaasiyadeed loogu helo colaadda taas oo ogolaan karta in qaxootiga Suuriyaanka ah ay dib u soo noqdaan.
Ugu yaraan saddex milyan oo qaxooti ah ayaa ku sugan dalka Turkiga.
“Turkiga, oo taageera qaar ka mid ah falaagada Suuriya, wuxuu beeniyay inuu taageero millitari iyo saanad ku garab siiyay kooxda Islaamiga ah ee HTS, ee hogaaminaysa fallaagada.”
Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in arimahaan ay ka mid yihiin kuwo lagu raadinayo hab lagu soo celin karo dad suuriyaan ah oo ka soo cararay dagaalladii sokeeye.
Lubnaan
Taageerada dawladda Assad ayaa ka mid ahayd waxyaabaha ugu muhiimsan ee u dhaxeeya kooxaha siyaasadeed ee kala duwan ee Lubnaan, sidaa waxa sheegay wariyaha BBC-da laanteeda Carabiga Carine Torbey.
Dad badan ayaa waxay u arkaan in Suuriya ay muddo dheer heysatay Lubnaan, ka hor inta aysan xoogagga Asad dalkaasi kala baxin sanadkii 2005-tii.
Qaar kamid ah dhinacyadii siyaasadeed ee ka soo horjeeday dowladda Suuriya ayaa u arka dhicitaanka Asad inay tahay natiijo wanaagsan.
Xubin siyaasi ah oo ka tirsan baarlamaanka Xisbullah ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa iska caabinta ah aysan saamayn doonin arrinkaan dagaalka ay kula jiraan Israa’iil.
“Wax walba oo ka dhacaya Suuriya inkastoo ay halis yihiin ma na niyad jabin karto annaga,” ayuu yiri Xasan Faadlallah.
Waxaa sidoo kale jira walaacyo laga qabo qaxooti cusub oo ka soo qulqulaya suuriya oo soo gaaraya Lubnaan, oo u badan dadka Suuriyaanka ah ee kasoo jeeda jimciyadaha shicaa, iyadoo qaar badan ay horay ugu soo gudbeen dhinaca Lubnaan.
Israa’iil
Raʼiisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku amray ciidamada inay “gacanta ku dhigaan” aagga bakaaraha ee u dhexeeya buuraha ay Israa’iil heystaan ee Golan Heights iyo Suuriya kadib markii uu dhacay taliskii Assad.
Waxa uu sheegay in heshiiskii aan rasmiga ahayn ee ay Suuiya la galeen sanadkii 1974, uu “burburay”.
Israaʼiil ayaa Suuriya ka qabsatay buuraha Golan xilligii uu soo dhamaaday dagaalkii lixda maalmood ee 1967-dii, waxayna hal dhinac ku darsatay 1981, tallaabadaas lagama aqoonsan caalamka.
Wasiirka arrimaha dibedda ee Israa’iil Gideon Saar ayaa ku tilmaamay la wareegidda milatari ee aaga badeecadaha inay tahay “tallaabo xadidan oo ku meel gaar ah” si loo sugo amaanka Israa’iil.
Yolande Knell oo ka tirsan wariyayaasha BBC-da ee bariga dhexe, ayaa sheegay in “in Israa’iil ay weerartay hubka kiimikada iyo xarumaha gantaalada ee ku yaalla Suuriya isagoo sheegay in tani ay tahay mid ay kaga hor istaageyso inay gacanta u galaan kooxaha xag jirka ah”.
Waddamada kale ee Bariga Dhexe
Sebastian Usher oo ah tifatiraha BBC-da ee Bariga Dhexe ayaa soo weriyay in “Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay la xiriireyso dhamaan kooxaha gobolka si ay isugu daydo in ay ka hortagto fowdo ka dhaca Suuriya.
“Boqorka Jordan Abdullah oo deris la ah Suuriya ayaa soo saaray farriin taas la mid ah, oo uu ku baaqayo in laga fogaado dagaallo hor leh.
“Sarkaal sare oo diblomaasiyiin ah oo lagu magacaabo Anwar Gargash, ayaa sheegay in walaaca ugu weyn ee dalkiisa uu yahay dhanka xagjirnimada iyo argagixisada wuxuuna Assad ku eedeeyey in uusan adeegsan baaqyada ay u jeediyeen dalalka kala duwan ee carabta”.
ISHA BBCSOMALI